Madaxweyne Xasan "waa in la xoojiyo amniga goobaha muhiimka ah"

Image

March 28, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amrey hay'adaha ammaanka inay sugaan ammaanka goobaha muhiimka ah ee dadku isugu yimaadaan sida hoteellada iyo goobaha laga qaxweeyo.

Xasan Sheekh oo magaalada Sharm el Sheikh uga qayb gelaya shirka madaxda Carabta ayaa sidoo kale sheegay in weerarkii lagu soo qaadey Hotel Maka Al Mukarama cadeyn u yahay sida Al-shabaab aysan ugu naxeynin dadka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"hammaan hay’adaha amniga dowladda waxaan farayaa inay si taxadar leh u hubiyaan amniga hoteellada, goobaha muhiimka iyo xarumaha dowladu ay leedahay. Raggan naf-la-caariga ah in laga hortago mooyee, wax kale oo asxaan ma lahan” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tacsi u direy ehelada dadkii ku geeriyoodey weerarka, isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Shalay galabkii ayey ahayd markii dhowr dagaalyahan oo Al-shabaab ka tisani gudaha u galeen Hotel Maka Al Mukarrama oo ku yaala baramaha magaalada Muqdisho. Inta la ogyahay ilaa iyo 15 qof oo mas'uuliyiin dowladda ka tirsani ku jireen ayaa weerarkaas ku geeriyoodey.

Ma cadda sababta Al-shabaab u beegsato hoteellada ay inta badan degaan dadka kasoo jeeda gobollada ka baxsan Muqdisho, iyadoo la xusuusto weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee bishii hore lala beegsadey beegsadey Central Hotel.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM