Madaxweynaha PL oo ka tacsiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas aayaa ka tacsiiyeeyey geerida Marwo Aamino Abiib oo ahayd xaaska madaxweyihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole.

Madaxweyne Gaas ayaa Ilaah uga baryey marxuumadda inuu naxariista janno ka waraabiyo dhammana eheladii iyo qaraabadii ay ka tagteyna samir iyo iimaan ka siiyo.

Galabta ayaa lagu wadaa in marxuumadda aas qaran loogu sameeyo Garowe, waxaana aaskeeda ka qayb geli doono madaxda ugu sarreysa Puntland.

Maamulka iyo hawl-wadeenada Garowe Online waxay ka tacsiyeynayaan geerida Marwo Aamino Abiib.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM