Madaxweynaha PL oo la kulmey wafdi ka socda EU iyo Australia

Image

April 8, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa maanta soo gaarey wafdi ka socda Midowga Yurub iyo Australia. Wafdigan oo ku dhowaad toban xubnood ka koobnaa waxaa hoggaaminayey safiirka dowladda Australia u jooga dalka Somalia, Mr. John Feakes.

Wafdigan waxaa sidoo kale qayb ka ahaa madaxa hay'adda UNODC ee Soomaaliya iyo saraakiil kale oo ka socdey safaaradaha Netherlands, Britain, Denmark iyo Sweden.

Madaxweynaha Puntland ayaa wafdigaas ku qaabiley madaxtooyda halkaasoo labada dhinac kulan ku yeesheen. Markii kulankaasi soo gaba gaboobey waxaa si wadajir ah warbaahinta ula hadley Madaxweyne Gaas iyo safiirka Australia John Feakes.

Madaxweynaha oo hadalka ku horreeyey ayaa sheegay in madaxda Punltand iyo wafdigani arrimo dhowr ah isla soo qaadeen isagoo xusey inay ugu muhiimsan yihiin: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii Midowga Yurub u dardar gelin lahaa taageerada uu siiyo Puntland.

Safiirka Australia oo intaas kadib hadley ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey sida wanaagsan ee wafdiga uu hoggaaminayo Garowe loogu soo dhoweeyey isagoo sheegay in ujeedada ay Puntland u yimaadeen tahay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen xaaladda guud ee Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM