Madaxweynaha Somalia oo cambaareeyey weerarkii Central Hotel

Image

February 20, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerradii is-miidaaminta ahaa ee maanta Al-shabab la beegsatay Central Hotel oo ku yaal bartamaha  magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay weerarkaas fal waxashnimo ah kaasoo aan wax dib-u-dhac ah ku keeni doonin shaqada dowladda. Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale tacsi u direy ehelada dadkii weerarkaas ku geeriyoodey isagoo kuwa dhaawacmeyna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

"aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo" ayuu yiri.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM joojin doonin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

"Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho"

Ugu yaraan labaatan qof ayaa ku geeriyootey ku dhowaad soddon kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo maanta ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM