Madaxweynaha Somalia oo eedeeyay beesha caalamka

Image

10 December, 2015(GO)-Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa eedayn u soo jeediyay beesha caalamka oo ku dhaliilay inaysan dhaqaalo siin Somalia.

Xasan Sheekh ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka qayb galay munaasabad loogu magac daray “Xoojinta hay’adaha dowladda iyo sare u qaadidda sumcadda dhaqaale ee Somalia”. Waxaana madashaasi joogay xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Nicklos Kay, saraakiil Somalia iyo ajnabi isugu jirta.

Madaxweynaha Somalia ayaa tilmaamay inaysan beesha caalamka Somalia dhaqaalo siin, balse gacanta loo galiyo hay'ado anjnabi ah, sababtuna tahay dhaliil loo soo jeediyay Bangiga dhexe iyo wasaaradda maaliyadda Somalia.

Waddanka oo haatan la daala dhacay ammaan daro iyo weeraro uga imaanay kooxaha arga-gixisada ah, ayuu sheegay inaan dowladda lagu taageerin hub iyo rasaas, balse badalkeeda loo keeno gawaari iyo Cumputaro.

Lacagta loogu talagalay in lagu bixiyo mushaharka ciidamada Somalia, ayuu Xasan Sheekh sheegay inaan dowladda la soo gaarsiin balse mas'uuliyadaasi la saaray hay'ado ajnabi ah.

Wuxuu walaac ka muujiyay qaabka beesha caalamku waxa u waddo iyo halka Somalia ku socota, dowladda dhexena lagu eedaynayo musuq maasuq ku aadan yabooaha dhaqaale ee beesha caalamka.

Hadalka mas'uulka ugu sareeyay Somalia ayaa imaanaya xilli dalka lagu caawiyo dhaqaalo badan oo beesha caalamka ku doonayso in wax looga qabto amniga, hormarka iyo baahida dadka tabaalaysan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM