Madaxweynaha Somalia oo hambalyo u direy Madaxweynaha Nigeria

Image

April 1, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal hambalyo ah u direy madaxweynaha la doortey ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu khadka telefoonka kula hadley dhiggiisa Nigeria una hambalyeeyey.

Madax badan oo caalamka ah ayaa hambalyo u direy madaxweynaha cusub ee dalka Nigeria.

Doorashadii saddex maalmood kahor dhacday ayaa ahayd tii lixaad ee si dumuqraadi ah ku dhacda laga soo bilaaabo sanadkii 1999, markaasoo hoggaanka dalka dowlad rayid ahi la wareegtey.

Waa markii ugu horreysey muddo shan iyo toban sano ka badan ee mucaaradka Nigeria talada dalkaas la wareegaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM