Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay hanjabaada fariimaha Taleefanka

Image

19 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka hadlay fariimaha hanjabaada ah ee loo diro dadka qaybtood kuwaasi oo inta badan lagu yaaqaano ururka Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa sheegay inay dhammatay waqtigii fariimaha la isugu hanjabi jirey, maadama la helay technologiyada casri ah oo lagu ogaanayo qofku halka uu fariinta ka soo diray, sidaasna lagu soo qabanayo.

Wuxuu xusay Madaxweynuhu inay wiiqantay awoodii ururka Al-Shabaab isagoo adeegsaday kalmadda ah "waa Yaxaas biyihii ka dhamaaday".

Hadalkan ayuu madaxweynaha Somalia ka sheegay munasaabada ka dhacday Muqdishu, kaasi oo looga hadlayay barnaamij ku saabsan darisaynta degmooyinka Xamar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM