Madaxweynaha Somalia oo ku wajahan dalka Sacuudiga

Image

26 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa ku wajahan dalka Sacuudi Arabia, isagoo kulan la qaadan doona boqolka dalkaasi Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka u dhaxeeya Somalia iyo dalka Sacuudiga.
Xasan Sheekh, waxaa safarkiisa ku weheliya wasiirada warfaafinta iyo maaliyadda ee Somalia, waxaana horay dalkaasi ugu sugnaa wasiirka Arrimaha dibadda SomaliaCabdisalaan Hadliye Cumar.

Maaha markii ugu horaysay ee dalkaasi uu tago Xasan Sheekh, waxaana uu ku soo beegmayaa xilli uu shalay furmay kalfadhigii 7-aad ee Barlamanka Somalia.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM