Madaxweynaha Somalia oo la kulmey xoghayaha Qaramada Midoobey

Image

March 30, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm el Sheikh ee dalka Masar kula kulmey xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon.

Labada mas'uul ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin xaaladda ammaanka Soomaaliya, baahinta maamulka dowladda iyo higsiga 2016.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdu qaadi doonto tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo hirgelinta himilooyinka 2016ka ee doorashadu ugu muhiimsan tahay.

Baki Ki Moon ayaa isna dhankiisa ballan qaadey in Qaramada Midoobey farsamada iyo dhaqaalaha ka taageeri doonto guddiyada udub dhexaadka u ah higsiga 2016.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Qaramada Midoobey ka codsadey in Dowladda Federaalka gacan laga siiyo sidii ay usoo daad gureyn lahayd dadka Soomaaliyeed ee ku go'doonsan gobollada dagaalladu ka soconayaan ee dalka Yemen.

Madaxweyne Xasan oo maanta dib magaalada Muqdisho ugu soo laabtey wuxuu sidoo kale muddadii uu Sharm el Sheikh ku sugnaa la kulmey qaar badan oo kamid ah madaxda dalalka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM