Madaxweynaha Somalia oo tagaya Baladweyne gobolka Hiiraan

Image

21 December, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa la qorshaynayaa maanta inuu tago magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, xilli shalay loo soo magacaabay gudoomiye cusub.

Ujeedka safarka Xasan sheekh ayaa la xiriirta labo arrimood oo kala ah; sidii waxgaradka iyo siyaasiyiinta Baladweyne looga dhadhicin lahaa ka qayb galka dhismaha maamulka gobollada Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan oo shirkoodu ka dhici doono magalada Jowhar iyo laga wareegista xilka loo soo magacaabay gudoomiyaha cusub ee degmadaasi Yusuf Dabageed.

Labada gobol ee kala ah; Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe ayaa ku maransanaa halka lagu qabanayo shirwayanaha lagu soo dhisayo maamulkaasi, waxaana labada xarun ee kala ah Baladweyn iyo Jowhar diyaar garow ugu jireen marti galinta shirka.

Wareegto ka soo baxday dowladda Federalka ayaa lagu shaaciyay in shirka lagu qaban doono xarunta gobolka Shabeelaha dhexe, waxaan Madaxweyne Xasan Sheekh doonayaa qaabkii u soo qancin lahaa bulshada ku dhaqan Baladweyne.

Waxaa kale bulshada kala soo hadlayaa qaabka uga dhaadhicin lahaa gudoomiyaha shalaya 20 December la soo magacaabay, kaasoo badalay gudoomiyaha kiiska dilka loo haysto.

Ammaanka magalada ayaa la adkeeyay, waxaan garoonka Ugaas Khaliif oo uu kasoo dagayo la dhoobay ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM