Madaxweynaha Somalia oo beeniyay in calanka wax laga badalayo

Image

12 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta beeniyay warar dhawaan la daabacay oo sheega in wax laga badalayo calanka Somalia gaar ahaa xidigta ku dhextaala, wuxuuna tilmaamay in warkaasi yahay kutiri-kuteen.

"Calanka Somalia waa kii la taagay 60-kii, mana jirto wax laga badalayo wararka sheegaya waxbaa laga badalayaa waa kutiri-kuteen, sidiisa ayuu ahaanayaa" Ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maamullada dalka ugu baaqay in kor loo qaado calanka Somalia oo mudnaanta la siiyo isaga koodana laga dhigo midka labaad.

"Waxaan ugu baaqayaa dowladaha hoose iyo maamulada dalka ka jira inay calanka kor u qaadan oo kan koowaad isaga ka dhigaan" Ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu ka sheegay xilli uu ka qayb galayay munaasabad lagu xusayay maalinta calanka Somalia oo ku beegan maanta 12 Octobar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go'aan cusub oo Trump soo saarey oo saameyn ku yeeshay Soomaaliya

Isbeddeladan, oo la filayo inay dhaqangalaan bisha Janaayo, ayaa muujinaya dadaalka Trump ee ku aaddan in matalaadda diblomaasiyadeed.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 10:25AM

Midowga Afrika oo dib u eegaya hawlgalka xasilinta Soomaaliya

Ugu dambeyn, waxaa la filayaa in Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika uu dhowaan soo saaro war-murtiyeed ku saabsan arrintan.

  • Soomaliya

    22-12-2025

  • 07:20AM