Madaxweynaha Somaliland oo booqday Laascaanood

Image

January 21, 2015 (GO)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta booqasho aan horay loo shaacin kusoo gaarey degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wafdiga oo ciidamo aad u xoogani galbinayeen, waxaa qayb ka ahaa todoba wasiir oo kala ahaa: Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Hawlaha Guud, Wasiirka Biyaha iyo Kheyraadka, Wasiirka Warfaafinta, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka Beeraha.

Siilaanyo oo muddo kooban Laascaanood ku sugnaa wuxuu la kulmay maamulka gobolka Sool iyo madaxda dhaqanka isagoo ka dhegeystey tabashooyinka ay qabaan una ballan qaadey in xukuumadiisu dadaal badan gelin doonto sidii gobolka loo horumarin lahaa.

March 16, 2014 ayey ahayd markii sidan oo kale Madaxweynaha Somaliland iyo wafdi uu hogaaminayaa  booqasho aan horay loo shaacin ku yimaadeen degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, halkaasoo saacado kadib ay dib uga laabteen.

Waa markii labaad ee Siilaanyo soo gaaro Laascaanood tan iyo markii ciidamada Somaliland la wareegeen degmadaas bishii October sanadkii 2007.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM