Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Image
Image
Image
Image
Image

Doha, Qatar – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan rasmi ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Qatar Amiirka dalkaasi, Tamim bin Xamad Al Thani.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labo geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, iyadoo sidoo kale looga hadlay arrimaha gobolka iyo taageerada walaaltinimo ee labada dowladood ay is-weydaarsanayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar, isagoo si cad u sheegay in Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in la xadgudbo madax-bannaanida, amniga iyo sharafka dowladda Qatar.

Dhankiisa, Amiir Tamim bin Xamad Al Thani ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Soomaaliya taageerada iyo mowqifka walaaltinimo ee ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed muujiyeen, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga qotada dheer ee labada dal ka dhaxeeya.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu wajahayo xaalado siyaasadeed iyo amni oo murugsan, taasoo sare u qaadaysa muhiimadda ay leedahay mideynta mowqifyada dowladaha xiriirka dhow leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM