Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay qaraxa Addis Ababa

Image

MUQDISHO- Kadib markii maanta qarax lala beegsadey goob fagaare ah oo uu ka khudbeeynayey Ra’isal wasaaraha cusub ee Ethiopia Abiy Ahmed ayaa waxaa qoraal kasoo saarey Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo qoraal ku soo saarey bartiisa Twitter ayaa ku tilmaamey weerarkaan mid macno daro ah oo ay gaysteen dad fulayo ah. 

Mudane Maxamad Cabdulahi Farmaajo ayaa sheegey in uu taleefan kula hadlay Ra’isal wasaare Abiy una sheegey inuu aad uga xun yahay fal dambiyeedkaan.

Weerarka qaraxa ah ayaa la sheegey iney ku dhaawacmeen 100 qof balse lama sheegin dhimasho.

Ra’isal wasaaraha Ethiopia ayaa tan iyo inta xilka la wareegey ku talaabsadey isbadalo siyaasadeed iyo dhaqaale.

Isbadalada Abiy Ahmad kuwasoo sababey in Barlamanka dalkaas su’aalo ka waydiiyo ayaa waxaa kamid ah go’aankii dalkiisu ka gaarey iney dalka Eritrea ku wareejiyo xuduud dhuleed lagu muransanaa, eedymo uu u soo jeediyey hay’adaha amniga dalkaas kuwaasoo ku sheegey in xadgudubyo gaysteen iyo furfurid dhaqaale uu ku sameeyey shirkada Ethiopia airlianes, Isgaarsiinta iyo korontada dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM