Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qayb galay xuska 8da March

Image
Image

March 8, 2015 (GO)- Munaasabadda 8da March  oo ah maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida ayaa laga xusey magaalada Muqdisho.

Xaflad lagu qabtey  xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ,Wasiiro ka tirsan Xukuumada Federaalka , Xildhibaanno, maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goobta khudbad ka jeediyey ayaa ku dheeraaday kaalinta haweenku kaga jiraan bulsho walba, si gaar ah wuxuu uga sheekeeyey dowrkii muhiimka ahaa ee haweenka Soomaaliyeed kasoo qaateen xornimada Soomaaliya, muddadii u dalku burburka ku jirey iyo dib u dhiska xilligan socda.

Madaxweynuhu wuxuu hamblayo ku aadan 8da Maarso u diray haweenka Soomaaliyeed iyo guud ahaan haweenka dunida, isagoo ku baaqay in sanadkan 2015 uu noqdo sanad haweenka Soomaaliya horumar balaaran oo dhinacyo badan leh sameeyaan.

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya Sahro Maxamed Cali Samatar oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay wasaarada Haweenka ay sanadkan diyaarisay qorshayaal lagu horumarinayo haweenka.

Sanadkii 1977-dii ayay aheyd markii Qaramada Midoobay u aqoonsatay 8da bisha Maarso in ay tahay maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida, waxaana sanad walba laga xusaa guud ahaan dalalka caalamka oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM