Madaxweyne Farmaajo oo ku wajahan dalka Ethiopia [ SAbab]

Image

MUQDISHO- Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaliya Maxamad Cabdulahi Farmajo ayaa ku wajahan dalka Ethiopia maalmo kadib markii magaalada Muqdisho uu booqasho ku yimid Ra’isal wasaare Abiy Ahmad.

Safarka Madaxweyne Farmaajo oo la filayo inuu kaga ambabaxo Muqdisho maalinta Khamiista ayaa warar hordhac ah waxay sheegayaan inuu halkaas kaga horeeyo Wasiirka arimaha dowlada Soomaaliya.

Magalaada Addis Ababa ayaa sida wararka aan ku heleyno waxaa ka furmi doona kulanka madaxda urur goboleedka IGAD.

Safarka Farmaajo ayaa sidooo kale ku soo beegmaya maalmo kadib markii magalaada Muqdisho ay heshiis ku kala saxiixdeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isal wasaare Ebiy Ahmad kasoo dhaliyey in dadka Soomaalida su’aalo badan iska waydiiyaan.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo kulankaas kadib booqasho ku tagi doono dalka Jabuuti halkaasoo loo maleynayo inuu kula kulmi doono Madaxwynaha maamulka Somaliland. 

Somaliland ayaa dagaalka u dhexeeya Puntland waxay ku eedeysaa dowlada Federaalka iney weeraro ku soo qaadan ciidmada ka fadhiya Tukaraq.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM