Farole oo la kulmay wasiirkii hore adeegga bulshada Somalia

Image
Image
Image

02 December, 2015(GO)-Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa hoygiisa magalada Garowe kula kulmay wasiirkii hore Adeegga Bulshada dowladda Somalia Maryam Qaasim oo Caasumadda  Puntland u timi ka qayb galka kulan ku saabsan hooyada iyo dhallaanka loona yaqaano CARMA.

Farole, ayaa wasiirkii hore ku ammaanay kaalinta ka gaystay  barnaamijyo badan oo lagu hormarinayay waxbarashada dhallaanka iyo adeegyo kale oo loo fuliyay bulshada Somaliyeed isagoo ku sifeeyay muwaadinad dalkeeda u shaqaysay.

Wuxuu ugu hambalyeeyay shaqada hadda hayso oo ah safiirka CARMA, wuxuuna sheegay inay tahay xubin aan laga maarmin khaas ahaa haweenka.

Maryam Qaasim ayaa dhankeeda ka mahad celisay soo dhaweynta uu u sameeyay Madaxweyne Farole, waxayna sheegtay inay u timi sannad guuradii ka soo wareegtay markii la sameeyay barnaamijka loogu magac daray dhimista dhimashada hooyada iyo dhallaanka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA KULANKAASI KA SAMEEYAY SOMALICHANNEL

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM