Madaxweyne Gaas oo degmada Qandala ku wajahan

Image

April 9, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku wajahan degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ila wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in madaxweynuhu soo gaari doono magaalada Bosaso kadibna uga sii gudbi doono dhanka Qandala.

Muddada uu Qandala ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland wuxuu xarigga ka jari doonaa mashaariic dhowr ah oo qayb ka ah barnaamijka JPLG, wuxuu sidoo kale la kulmi doonaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhanka kale, waxaa goor dhow magaalada Bosaso ka baxay wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolka Bari. Wafdigaas oo isugu jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo isimmo waxay hordhac u yihiin wafdiga Madaxweynaha.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysey e Madaxweyne Gaas ku tago degmada Qandala tan iyo markii uu xilka qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM