Xasan Sheekh oo amray in la baaro eedeyntii Hanti Dhowrka

Image

January 22 , 2015 (GO)- Kadib markii Hantidhowraha Guud ee Dowlada Federaalka Nuur Jimcaale Faarax, oo shir-jaraa'id magaalada Muqdisho ku qabtey sheegay in maamulka iyo shaqaalaha xafiiska  loo hanjabey loona diidey inay gudaha u galaan xarunta madaxtooyada, ayaa waxaa arintaas ka hadlay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu amray xeer ilaalinta inay arintan sida ugu dhaqsaha badan baaritaan ugu sameyso, waxaa sidoo kale lagu xusay in madaxtooyada ka go'an tahay mar walba inay si hufan ula shaqeyso Xafiiska Hantidhowrka.

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:

"Mogadishu- Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu si weyn uga walaacsan yahay eedeymaha uu soo jeediyey Hantidhowrka Guud ee qaranka, waxaana uu ka codsadey Xeer Ilaaliyaha Guud inuu degdeg baaritaan ugu sameeyo eedeymahan.

Xafiiska Madaxtooyada waxaa ka go’an mar walbana diyaar u yahay taageerada in si hufan uu u shaqeeyo xafiiska Hantidhowrka Guud.

DHAMMAAD"

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo ka digay cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo militari oo lagu qaado mucaaradka

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale diiddan in doorashooyinka dalka loo wajaho hannaan aysan dhammaan dhinacyada siyaasadeed isku raacsanayn.

  • Soomaliya

    11-10-2026

  • 08:32PM

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM