Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Image

ADDIS ABABA, Sebteembar 8, 2025 — Waxaa jira hubanti la’aanta ku saabsan ka-qaybgalka Madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ee xafladda furitaanka biyo-xireenka weyn ee GERD (Grand Ethiopian Renaissance Dam) oo lagu wado in lagu qabto Itoobiya berri, Talaado.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka maqnaa sawirka guud ee madaxda Afrika ee ka qaybgalaya Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika (ACS2) oo ka socda magaalada Addis Ababa — taasoo dhalisay hadal hayn iyo su’aalo ku saabsan halka uu ku sugan yahay iyo qorshihiisa maalmaha soo socda.

Image

Ilo-wareedyo madaxbannaan ayaa sheegaya in aan si rasmi ah loo shaacin sababta uu uga baaqday sawirka madaxda, mana jiro war kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya oo arrintan ka hadlaya.

Dhinaca kale, dowladda Itoobiya ayaa diyaar-garoow xoogan ugu jirta furitaanka mashruuca GERD — biyo-xireen ballaaran oo laga dhisay Webiga Nile, kaas oo muddo sanado ah muran ka dhex dhaliyey dalalka uu webigu maro, gaar ahaan Masar iyo Suudaan.

Ma cadda in Madaxweyne Xasan Sheekh lagu casuumay xafladda furitaanka iyo haddii uu qorshaynayo inuu ka qaybqaato, iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed iyo mid istiraatiiji ah oo xasaasi ah oo la xiriirta arrimaha biyaha iyo gobolka.

Hadii uusan ka qeybgalin waxay noqonaysaa mar 2aad oo ka baaqdo Madaxweynaha,  iyadoo xiisadda Masar iyo Itoobiya wali taagan tahay. Warar ayaa sheegaya in Masar cadaadis ku saareyso Xasan Sheekh inuusan tagin xafladda xarig-jar biyo-xigeenka Nile.

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM