Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Image

MUQDISHO – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inay dib u bilaabaan wadahalladii hakadka ku jiray tan iyo Janaayo 2024, si loo helo midnimo qaran oo buuxda.

Isagoo ka hadlayay xuska sanad-guuradii 65-aad ee ka soo wareegtay maalintii gobollada Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu Madaxweynaha carrabka ku adkeeyay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay wax kasta oo suuragal ka dhigi kara mideynta dalka, xitaa haddii ay ka mid tahay in isaga uu ka dego xilka madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu baaqay hoggaanka cusub ee Somaliland inay fursad siiyaan dib u bilaabista wadahallada, kuwaas oo hakad galay kadib markii Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ay heshiis is-afgarad ah ku kala saxiixdeen Addis Ababa 1-dii Janaayo 2024, kaas oo Itoobiya u ogolaanaya inay hesho marin badeed.

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

Madaxweynaha ayaa xusay in muhiimadda ugu weyn ay tahay danaha dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiin iyo qaran loo dhan yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM

Trump oo Ku Hanjabay inuu dhalashada kala noqon doono Soomaalida lagu helo falal khiyaano ah

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo la xoojinayo nidaamka socdaalka iyo amniga gudaha ee wadanka Maraykanka.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 08:54AM