Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dhuusomareeb gaarey

Image

February 10, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey degmada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa si diirran ayaa degmada Dhuusomareeb loogu soo dhoweeyey, waxaana soo dhoweyntiisa ka qayb qaatey boqolaal dadweyne ah oo watey calanka Somalia iyo boorar ereyo soo dhoweyn ahi ku qornaayeen.

Ammaanka waa la adkeeyey waxaana nabadgelyada si buuxda gacanta ugu haya boqollaal ka tirsan ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudada uu Dhuusomareeb ku sugan yahay la kulmi doona qaybaha kala duwan ee bulshada.

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan booqashada Madaxweynaha Dowlada Federaalku Dhuusomareeb ku tegayo dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM