Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Muddo kororsiga lagu eedeeyay

Image

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markale ku celiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan qabsoomidda doorashada dalka xilligeeda, isaga oo sheegay inuusan waligiis taageerin muddo kororsi iyo in uu kursiga si sharci-darro ah ugu dheeraado.

Isagoo ka hadlayay arrimaha doorashooyinka, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri:  “Waxaan aaminsanahay in waqtiga noo haray doorashada lagu qaban karo, kharashka doorashadana dowladda Soomaaliya ayaa bixin doonta. Mowqifkeygu waa la garanayaa – waligey muddo kororsi ma ogolaan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay inuusan wax welwel ah ka qabin in xafiiska laga guuleysto, isaga oo tusaale usoo qaatay doorashadii hore ee uu ku guuldareystay.

“Habeenkii doorashadii hore la iiga guuleystay anigoo qoslaya ayaan hoolka ka soo baxay. Hadda haddii doorashada la iiga adkaado waxba igama gelin. Waxa kaliya oo aan doonayaa waa in dalkani maro waddo sax ah oo xasilloon.” ayuu yiri.

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka ka taagan tahay dood siyaasadeed oo ku saabsan waqtiga doorashada soo socota iyo hufnaanta hannaanka doorasho ee loo marayo. Waxaa sidoo kale jirta cabsi laga qabo in dib-u-dhac ku yimaado doorashooyinka, taasoo dhalisay walaac ay muujiyeen mucaaradka iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku soo xiray isagoo ku celiyay in ay ka go’an tahay in la ilaaliyo dastuurka iyo hannaanka dimoqraadiyadda: “Waa in aan muujinnaa kalsooni, hufnaan iyo ixtiraamka nidaamka dowliga ah. Haddii aan ku guuldareysto doorashada, diyaar ayaan u ahay in aan si sharaf leh xilka u wareejiyo.”

GAROWE ONINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM