Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmey xubno ka tirsan naafada

Image
Image

March 23, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubno ka tirsan dadka naafada ah.

Kulanka oo qaatey muddo saacad ka badan, waxaa intiisa badan lagu gorfeeyey xaaladda naafada Soomaaliya iyo sidii wax loogu qaban lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in la sameyn doono xafiis isku xira Madaxtooyada iyo Gudiga Naafada si xiriir joogto ah madaxtooyadu ula yeelato naafada ugana war qabto xaaladooda.

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale  balan qaaday in la qaban doono shir weyne ay kasoo qayb geli doonaan xubno metelaya naafadaha Soomaaliya, kaasoo looga arinsan doono horumarinta naafadda iyo sidii daryeel joogto ah loogu fidin lahaa.

Cali Cabdulaahi Salaad oo ah Guddoomiyaha Guddiga Naafada ayaa ka mahadceliyay soo dhoweynta Madaxweynaha Soomaaliya u sameeyey isagoo sidoo kale sheegay in dhibaato aad u daran ay haysato naafada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM