Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Dhuusomareeb tegey

Image

March 24, 2015 (GO)- Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galguduud.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, madax dhaqameed, saraakiil ciidan iyo boqollaal dadweyne ah ayaa wafdiga Madaxweynaha si diirran usoo dhoweeyey.

Ujeedada socdaalka Xasan Sheekh ayaa la xiriirta shirka maamul u sameynta gobollada Galguduud iyo koonfurta Mudug ee ka soconaya degmada Dhuusomareeb.

Booqashadan ayaa la filayaa inay qaadato muddo dhowr maalmood, waxaana muddada uu degmadaas ku sugan yahay Madaxweynuhu la kulmi doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada.

Waa markii labaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sanadkan gudihiisa tago magaalada Dhuusomareeb, bishii February ee lasoo dhaafay ayey ahayd markii ugu horeysey ee uu halkaas tago.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM

Axmed Madoobe: Lagama aqbali doono Xasan Sheekh wixii isaga hore u diiday

Shirkan waa mid lagu badbaadinayo dalka iyo dadkiisa. Maamul wanaag ma aha in hal qof uu awoodda ku dhegganaado.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 07:56AM