Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Masar oo kulmey

Image

March 16, 2015 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Sharm El  Sheikh kula kulmey dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-sisi.

Kulanka labada Madaxweyne oo intiisa badan xog wareysi ahaa, waxaa muddadii  uu socdey Madaxweynaha Soomaaliya ka  warbixiyey xaaladda dalka Soomaaliya ku jiro, dadaallada nabadeynta ee socda iyo higsiga 2016.

Sidoo kale, Madaxweynaha Masar ayaa soo dhoweeyey horumarka Soomaaliya ka sameysey dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda isagoo ballan qaadey in Dowladda Masar intii awoodeeda ah si joogto ah u taageeri doonto Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa dalka Masar uga qayb galay shir muddo saddex maalmood ah soconayey oo ku saabsanaa horumarinta maalgashiga iyo dhaqaalaha Masar. Shirkaas waxaa kasoo qayb galay madax badan oo caalamka ah iyo tobannaan shirkadood oo kuwa maalgashiga ka shaqeeya ah.

Muddadii uu Madaxweynaha Soomaaliya dalka Masar ku sugnaa wuxuu la kulmey madax Carbeed badan iyo diblumaasiyiin kale oo ka socdey wadamada Maraykanka iyo Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM