Madmadow soo galay qabsoomida Shirka Golaha Wadatashiga ee Kismaayo

Image
Talaabadan ayaa waji gabax waxay ku tahay damaca Madaxtooyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mudgi ayaa ku wareegsan qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee qorshuhu ahaa inuu ka furmayo magaalada Kismaayo ee caasimadda ku meelgaarka Jubaland.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo, shakiga ayaa ka dambeeyay kadib markii maamulka madaxwayne Axmed Madoobe uu ku adkeystay in uusan hadda diyaar u ahayn martigelinta shirka.

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in cudurdaarka Jubaland uu salka ku hayo in maamulka uu haatan mashquul ku yahay la dagaalanka Al-Shabaab iyo dhameystirka howlgalada dhowwaan bilowday.

Talaabadan ayaa waji gabax waxay ku tahay damaca Madaxtooyadda Soomaaliya ee ku wajahan in shirkan lagu jaangooyo masiirka madaxda dowlad goboleedyadda iyo doorashooyinka sanadka 2026-ka.

Dhanka kale, Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Garowe Online in sababaha kale ee baajinaya shirkan ay kamid tahay in qaar kamid ah dowlad goboleedyadda ay ka cudurdaarteen taariikhda.

"Hogaamiyeyaasha qaarkood waxay ku andacoodeen in aysan waqti heli karin 12-ka August oo jadwalkooda uu mashquul yahay. Sidaas darteed, uma badno inuu dhacayo kulankan," ayay raaciyeen.

Baaqashadda shirkan ayaa waxay soo afjaraysaa sheegashooyinkii Villa Soomaaliya ee labadii sano lasoo dhaafay taasoo, waxaana ay waji cusub u yeelaysaa xiriirka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamulada.

Villa Soomaaliya ayaa qabashada shirkan u arkaysay fursad maadaama ay soo dhow dahay waqtiga Bangiga Aduunka laga helo kabka miisaaniyadda taas oo maamulada ay qoondo min hal milyan doolar ah.

Si Bangiga Aduunka looga helo lacagahaas, waxaa loo baahan yahay saxiixyadda madaxda maamuladda maadaama wadar ogolka uu muhiim u yahay saaxiibadda caalamka ayna horey u hakisay mashaariic.

Sikastaba ha ahaatee, bisha August ayaa la filayaa in ay bud-dhig u noqoto jiho cusub oo siyaasada Soomaaliya ay geli doonto taas oo laga tusaalo qaadan doono qiblada ay siyaasadda u jiheysan doonto 2026-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM