Madmadow soo wajahay shirka dib-u-heshiinta Koonfur Galbeed

Image
Wadahadalo dhexmaray Xasan Sheekh, Laftagareen iyo mucaaradka ayaa kusoo idlaadey "natiijo la'aan".

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen iyo musharaxiinta madaxtinimada maamulkaas ayaa xalay shir albaabada u xiran yihiin ku yeeshay Baydhabo.

Illo wareedyo ayaa xaqiijiyey in kulankan diiradda lagu saarey is-mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan xilheynta Laftagareen gaar ahaan ku darsiga halka sano ee lagu qeexay "is-waafujinta muddo xileedka madaxweynaha iyo baarlamaanka".

"Shirka waxa uu kusoo dhamaadey wax u muuqda fashil," ayay Garowe Online u sheegeen dad xog-ogaal ah. "Tani waxay ka dambeysay markii Xasan Sheekh uu ku adkeystay in Laftagareen uu halkiisa sano dhameysto taasoo mucaaradka ay diideen".

Shakiga ugu weyn mucaaradka

Musharaxiinta mucaaradka oo ay hogaaminayaan Shariif Xasan Aadan iyo Maxamed Aadan Farkeeti ayaa xusul-duub waxay ugu jiraan in doorasho la qabto iyaga oo aaminsan in ku darsiga Laftagareen ee halka sano uu yahay sharci darro ah.

"Shakiga ugu weyn ee mucaaradka qabaan waa in Laftagareen uu bilooyinka soo aadan sameysto baarlamaan ay ku jiraan xubno taabacsan si ay u doortaan marka ay u dhamaato muddo xileedka halka sano ah," ayay raaciyeen falanqeeyeyaal.

Siddal aga soo xigtey saaxiibada Xasan Sheekh, bartilmaameedka ugu weyn ee madaxweynaha waa in degaanada Koonfur Galbeed ay ka bilowdaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo haatan xiisaduhu hakad geliyeen.

"Madaxweynaha waxaa la filaa in gelinka dambe isla maanta ama ugu yaraan berri subax uu kasoo dhoofo Baydhabo," ayay raaciyeen. "Mucaaradka dhankooda waxaa laga yaabaa in ay hadlaan daqiiqad kasta oo kamid ah saacadaha soo aadan".

Cabsida gacan-ka-hadal kale

Guuldaro kasta oo uu kusoo dhamaado wadahadaladan ayaa laga cabsi qabaa in ay mar kale horseedi gacan-ka-hadal ka dhaca Baydhabo halkaasoo ay wada-joogaan dhinacyada iska soo horjeedo siyaasad ahaan isla markaana hubeysan.

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku nafwaayay dagaal mucaaradka iyo ciidamo taabacsan Laftagareen ku dhexmaray magaalada Baydhabo bishii December, 2022. Isku-dhacaas wuxuu yimid maalmo kadib dhamaadka xilheynta Laftagareen.

Xasilooni siyaasadeed oo gudaha ah ayaa kamid ahaa waxyaabihii uu ololaha ku galay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud. Go’aanka ay Madaxtooyadda Soomaaliya ka qaadato ku darsiga Laftagareen ayaa cashar u ah hogaanka dowlad goboleedyada ee waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM