Magacaabida ra'iisul wasaare Xamza Barre oo loo dabaaldegay

Image
Magaalooyin kala duwan ayaa laga soo dhaweeyay xulashada wasiirka koowaad ee Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Dabaaldegyo ayaa ka bilowday xaafadda Islii ee dalka Kenya kadib markii lagu dhawaaqay Xamza Cabdi Barre in uu yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Muuqaallo lagu faafiyey baraha bulshadda ayaa muujiyey shacab isu-soo-bax ballaaran ka dhigay bartamaha magaaladda ayaga oo ku dhawaaqaya erayo ay ku taageerayaan Mr Xamza.

Sidoo kale, magaalooyin kale oo Jigjiga kamid tahay ayaa laga soo warinayaa dabaaldagga lagu soo dhaweynayo wasiirka koowaad ee la filayo in uu hortago Golaha Shacabka maalmaha soo aadan.

Isliil waa mid kamid ah xaafadaha ay Soomaalida ku badan tahay ee caasimada Kenya ee Nairobi halkaasoo Xamza uu waqtigiisa ugu badan ku qaatay marka laga soo tago Kismaayo iyo Muqdisho.

Xamza oo noqonaya ra'iisul wasaaraha 21aad ee Soomaaliya ayaa kasoo jeeda Jubaland wuxuuna xubin Golaha Shacabka ku guuleystay bishii December, 2022-da kadib coddeyn "dimuqraadi ah".

Waa kuma Xamza Cabdi Barre?

Ka sokow in uu Golaha Shacabka kamid noqdey 28-kii December, 2021, Xamza oo ku dhashay Kismaayo ayaa 2009-kii wuxuu Jaamacada Islaamiga Caalamiga ah ee Malaysia ka qaatay MPA in Management.

Sidoo kale, BA in Management ayuu ka qaatay University of Science and Technology ee ku taala waddanka ay colaaduhu la dageen ee Yemen sanadka markii uu ahaa 2001.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuduudaha iyo Doorashooyinka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayuu noqdey intii u dhaxeysay 2019 illaa 2020.

La Taliye Sare Wasaaradda Dastuurka JFS  ayuu ahaa 2015-2019.  La Taliye Arrimaha Maamulka ayuu u noqdey Gudoomiyaha Gobolka Benaadir inti u dhaxeysay 2014-2015.

Xoghayaha xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ee lagu magacaabo UPD ayuu ahaa intii u dhaxeysay 2011 illaa 2017.

Xamza oo wajahaya Soomaaliya shantii sano lasoo dhaafay uu maamulka Farmaajo qarka u saare xukun kalitalis ah waa 48-sano jir inta la og-yahay aan haysan dhalasho kale iyo aabaha sideed caruur ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartey Dagaalka Puntland kula jirto Daacish

Daacish iyo Shabaab, waa cadaw ay u simanyihiin dadka Soomaaliyeed waana in loo midoobo ciribtirkooda.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 12:52PM

Cali Balcad Oo Hadlay Fursadda Itoobiya ee Helista Badda Soomaaliya

Wuxuu sidoo kale xusay in wada hadalladaas ay diiradda saari doonaan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

  • Soomaliya

    14-01-2025

  • 12:31PM