Mala joogaa xilligii wadahadal lala gali lahaa Al-Shabaab?
MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha caalamka ee ICG ayaa soo jeedisay in dowladda Soomaaliya ay wadaxaajood la gasho kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya iyo qeybo kamid ah wadamada geeska Africa.
Hay’addan oo ka faaloota xasaradaha dunida ayaa soo jeedisay in wadahadal lagu dayo ururka Al-Shabaab maadaama dagaal looga adkaan waayey muddo 15 sano ah.
Warbixin ay hay’adda soo saartay ayey kaga deyrisay dhibaatada iyo khasaaraha ka dhashay dagaalka daba dheeraaday ee u dhaxeeya dowladda Soomaaliya oo garab ka heleyso ciidamada midowga Africa ee AMISOM iyo Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa weeraro dad badan ay ku dhintaan ka fulisa gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda, waxayna si cad u diidan tahay jiritaanka Dowladda Soomaaliya.
“Marka lagu daro shaqa la’aan iyo kala qeybsanaan ka dhex jirta cadawgooda, karti-xirfadeedka mintidiinta ayaa u sahashay in ay ku dhex milmaan bulshada Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale ku adkeyneysaa in laga adkaado,” ayaa lagu yiri qeyb ka mid ah warbixinta oo soo shaac baxday dhowr toddobaad kadib caleema saarkii Xasan Maxamuud.
Warbixinta cusub waxay soo jeedinaysaa in ka adkaanta mintidiinta ay aad u adag tahay marka loo eego shabakadaha ay ku leeyihiin dalka oo dhan iyo kordhinta tirada askarta la qorayo. Ku dhawaad 5,000 oo dagaalyahan oo Al-Shabaab ah ayaa ku sugan dalka sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Kooxda xasaradaha ayaa xustay in sida kaliya ee lagu badbaadin karo kacdoonka sii kordhaya ay tahay in xubnaha kooxda lagu casuumo miiska wada xaajoodka si loo raadiyo xal siyaasadeed. Maleeshiyada ayaa u dagaalamaya in ay xukunka ka tuuraan maamulka taagta daran ee ay Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya.
"Dagaalka dabada dheeraaday wuxuu galaaftay nolosha dad aan tiro lahayn, wuxuuna meesha ka saaray mashruucii dhismaha dowladnimada Soomaaliya. Waxaa sii kordhaya is-afgaradka gudaha iyo dibadda ee ah in Al-shabaab aan looga adkaan karin qaab ciidan oo keliya," ayaa lagu xusay warbixinta.
"Haddana waxaa jira rabitaan yar oo ka dhex jira madaxda sare ee Soomaaliyeed ama saaxiibada caalamiga ah ee dalka ee sahaminta beddelka, gaar ahaan wadahadallada lala yeesho hoggaamiyeyaasha xagjirka ah."
Howlgallada ciidan ee ka socda gudaha dalka, ayay warbixintu intaa ku dartay, in qaar badan aysan wax qiimo ah soo kordhineyn marka loo eego awoodda ay kooxdan ku leeyihiin dhulka miyiga ah ee Soomaaliya. Si loo xakameeyo rabshadaha, kooxda xasaradaha ayaa xustay, "waxaa la gaaray waqtigii ay dowladdu qaadan lahayd wadahadal ay la gasho kooxda".
"In la joojiyo dadaallada lagu doonayo in lagula dagaallamo xagjiriinta iyadoo la rajeynayo in lagu helo gacanta sare ee militariga ama in la helo midnimo weyn oo dhexmara dadka wax-garadka ah waxay sii dheereyn doontaa colaadda si aan xad lahayn," ayay warbixintu raacisay.
"Dowladdu waa in ay raadiso dariiqo caqli-gal ah oo ay u maraan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab si ay u tijaabiso in gorgortan siyaasadeed iyo tallaabooyin kalsooni lagu dhisayo ay suurtagal noqon karaan."
Soomaaliya ayaa 15-kii sano ee ugu dambeeyay dagaal kula jirtay kooxaha hubeysan, waxaana muuqata in dagaalku uusan dhawaan dhammaan. Dalka waxaa ku sugan ku dhawaad 22,000 oo askari oo ka socda Midowga Afrika kuwaasi oo lagu wado in bilaha soo socda ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan ciidamada Soomaaliya.
GAROWE ONLINE