Maleeshiyaad la wareegay qayb ka mid ah Baledweyne
MUQDISHO, Soomaaliya – Maleeshiyaad hubaysan oo ka amar qaata Sargaal lagu Magacabo Nuur Dheere ayaa saaka oo Talaado ah la wareegay gacan ku haynta qaar ka mid ah xaafadaha Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan sida xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Maleeshiyaad ayaa la wareehay Xaafada Nuur Xawaad ilaa Suuqa Daraawiisha halkaas oo lagu arko ciidamo ku hubaysan gaadiidka dagaal iyada oo ciidanka Booliska Hirshabeelle ay goor hore sii banaayeen goobta markii la sheegay in ay goobta ku soo wajahanyihiin ciidankaan.
Sarkaal ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle oo dhacdadaan u xaqiijiyay GO ayaa intaasi ku daray ciidanka Booliska ay u bexeen dhanka Xerada Lamagalaay ee duleedka Beledweyne halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidanka Milatariga Soomaaliya.
Magaaladda Baledweyne waxaa xalay ka dhacay Banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo socdaal la sheegay in Madaxweynaha hoggaamiyaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu ku tagayo Beledweyne ka dib markii maamulka Farmaajo heshiis la galay Gen Xuud.
Ciidamo boolis ayaa sidoo kale la dhigay qaar ka mid ah xaafadaha magaaladda Beledweyne si looga hortago banaanbaxyo mar kale ka dhaca xarunta gobolka Hiiraan oo rabshado ka socdeen tan iyo markii Jowhar lagu doortay Cali Guudlaawe dabayaaqadii 2020.
Taliyaha ciidanka lugta Gen Biixi ayaa dhawaan tagay Baledweyne waxa uuna halkaasi ka soo waday Gen Xuud oo mudo ka badan hal sano dagaal kula jiray Cali Guudlaawe, isagoo sheegay in Hiiraan aan shaqeynaynin maamulkiisa, ayna dhisi doonaan maamul gaar ah oo Hiiraan State la yiraahdo, iyadoo kacdoonkiisa ay qeyb ka yihiin beelo dhowr ah oo Hiraan dega.
Villa Soomaaliya ayaa Gen Xuud u balan-qaadey fursad uu kula shaqayn karo taas oo noqon karto lacag ama xil loo magacaabo midkood maadaama uu joojiyay howlihii uu ka waday Baledweyne.
Guudlaawe ayaa ah shaqsi u dhaw Farmaajo, oo doorashadiisii ka caawiyay, waxaana hadda heshiiska lala galay Jen Xuud ku yimid dadaallo Villa Soomaaliya ka yimid, sida muuqata. Kacdoonka Hiiraan ee Jen Xuud hogaaminayay oo salka ku haayay diidmada hab-dhismeedkii HirShabeelle ayaa qaatay sanad ka badan.
GAROWE ONLINE