Kooxda Al-Shabaab oo "balaarinaysa" weerarada Muqdisho

Image
Dadka taxliiliya amaanka ayaa sheegay in dowladu ay dagaalkii Al Shabaab u weecisay kan siyaasiyiinta ka soo horjeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya – Warbaahinta ku hadasha afka kooxda Al-Shabaab ayaa baahisay wareysi nin sheegtay guddoomiyaha Al-Shabaab u qaabilsan magaalada Muqdisho, kaas oo lagu magacaabo Sheekh Muuse Cabdi Carraale, oo ka hadlay weerarradii kooxdu ka fulisay degmada Kaxda iyo deegaanka Daarusalaam ee magaaladda.

Carraale, sheegay in ay si joogto ah uga howlgalaan magaalada Muqdisho, balse weerarkii habeen hore uu ahaa mid ay aad uga soo shaqeeyeen, isla markaana u dhacay sidii ay u qorsheeyeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Muuse Carraale oo Muqdisho ugu magacaaban kooxda ayaa ku goodiyey in ay soo noqon noqon doonaan weerarada ay ka geysanayaan Muqdisho, isagoo sheegay in ay beegsan doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM.

“Weeraradii xalay oo kale wey soo noqnoqon doonaa, go’aankeenu waa in Soomaaliya aysan ka hir-gelin qorshayaasha shisheeyaha, taasina ma suurta geli doonto inta aan noolnahay," ayuu u sheegay warbaahinta Kooxda.

Sarkaalkaan ayaa ayaa faanay in ay gaadiid iyo rasaas ku furteen weerarradii ay ka fuliyeen Muqdisho, isla markaana ay si buuxda ula wareegeen goobihii uu bartilmaameedkoodu ahaa.

Kooxda ayaa weerar ku burburisay weerar ka dhacay saldhigga degmada Kaxda, waxayna horay u sii kaxeysteen gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga.

Dadka taxliiliya arrimaha amaanka ayaa sheegay in dowladu ay dagaalkii Al Shabaab u weecisay kan siyaasiyiinta ka soo horjeeda taasina suurta galisay in maleeshiyaadku ay fuliyaan weerada ay rabaan maadaama aysan jirin cid dagaal kula jirta.

Afhayeen Booliska Soomaaliya oo ka hadlay weerarradii ay Al-Shabaab ka geysteen gudaha Muqdisho ayaa shaaciyey geerida laba qof, dhaawacyada 16 kale iyo waxyeelo uusan kaala cadeyn nooceeda oo soo gaartay seddax askari oo ka tiranaa ciidamada dowladda, sidoo kale waxuu qiray in laba gaari ay Al-Shabaab kala baxeen saldhigga degmada Kaxda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM