Maman Sidikou oo sheegay in nabadgelyo buuxda Somalia ka jirto

Image

January 11, 2015 (GO)- Maman S. Sidikou oo ah wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya ayaa ku tilmaamay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka mid wanaagsan layskuna halleyn karo.

Sidikou ayaa sidoo kale sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka siyaasadda isagoo taas cadeyn uga dhigay shirkii IGAD ee shalay magaalada Muqdisho ku qabsoomay.

"Somalia waxaa ka jirta nabadgalyo weyn, waxaana taas cadeyn u ah booqashooyinkii ay Muqdisho horay ugu yimaadeen wufuud ka socota Midowga Africa,  Qaramada Midoobay iyo weliba booqashadii uu ku yimid xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon, waana taas sababta wasiirrada IGAD shirkoodii halkan ugu yeesheen" Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Somalia ayaa sidaas yiri.

Dhanka kale mar uu ka hadlayey shirkii madaxda IGAD, wuxuu sheegay in qodobadii kasoo baxay qaarkood yihiin kuwo Soomaaliya qiime gaar ah ugu fadhiya qaybna ka qaadanaya in la sii dardargeliyo hawlaha socda.

Waxay ahayd markii ugu horeysey ee wasiirrada arimaha dibada IGAD in kabadan labaatan sano kadib ku kulmaan xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM