Maqaal: Dhaqista Lacagaha iyo Dhismaha Guryaha siyaasiyiinta
MAQAAL | Marka laga hadlayo lacag dhaqista (Money laundering) ma'ahan sida dadka inta badan ay u garanayaan oo ah in lacag black money ah inta la nadiifiyo laga dhigo lacag sax ah balse nidaamkan waa mid caalamka ku baahsan kaas oo ah in lacagaha lagu shaqeystay sharci darrada sida musuqa, argagixisada iyo dadka iibiya waxyaabaha maanka-dooriya kuwooda sharci darrada loo aqoonsan yahay in dhamaan lacagaahas laga leexiyo wadooyinkii saxda ahaa iyada oo la marsiinayo dhowr jiho kala duwan si looga dhigo lacago sharci ah taas oo hey’adaha dabagalka aysan fahmi karin lacagahaas asalkooda, arintan ayaana ku badan wadamada uu musuqa aafeeyay sida Somaliya, Nigeria, Kenya IWM. Waxaa jira habab kala duwan oo lagu qariyo lacag dhaqista waxaana kamid ah :-
-Placement
Habkan waa farsamo aad u weyn oo ay isticmaalan dadka lacagaha dhaqa taas oo ah in lacagta la geeyo bangiyo caalami ah oo dowladdo shisheeye lagu geynayo qaab ganacsi sida in laga dhigo dahab ama waxyaabaha lamidka ah iyadoo sidaas loogu ekeysiinayo lacago sharci ah oo qaab sharci ah lagu shaqeyay kadibna bangiyadas la dhigayo ama wadankaba dib loogu so celinayo.
-Layering
Habkan waa in lacagta la marsiiyo ganacsiyo faro-badan sida in lagu daro ganacsiga shidaalka kadib laga saaro hadana lagu daro ganacsiyo kale oo gaaraya ilaa shan ganacsi ama sheerer(Share) kala duwan la galiyo taas oo ugu dambeyn loogu ekeysiinayo lacag si sharci ah lagu shaqeystay kadibna bangiga si caadi ah loo dhigtay.
- Integration
Labadii qaab oo aan horey usoo sheegnay waa kuwa inta badan caan ah oo aad loo yaqaan laakiin midkan wuxu aad uso shaac baxay xiliyadii dambe waana in la istcmaalo waxyaabaha dadka eysan ka shakineyn sida in aad iska dhigto qof Samafale ah ama qof arrin culus qabsatay oo kale oo lacag loo ururinayo kadibna aad sidaas lacagtii aad sharci darada ku shaqeysatay ugu ekeysiisid lacag laguu qaaramay kadibna si caadi ah aad u isticmaashid cabsi la'aan wana hab casri ah oo so kordhay oo dadka musuqa sameyo ay so kordhiyen waxana aragna inta badan dad wadankena kaso shaqeyay oo lacago badan si musuq ah ku sameyay hadana aan aragnay ayagoo leh waxan sameynay Foundations dadka lagu caawiyo kadibna lacago u ururinayo iyo kuwa madax hore ah oo sheeganaya in aysan wax musuq ah sameynin kuwaas oo Shacabka ka codsanaayo in guryo loo dhiso iyagoo kaga gol leh inaan laga shakin lacagihii ay dhaceen.
W/Q: Cajab Cumar