Maraakiib “xaalufisay" badda Soomaaliya oo liiska madow lagu daray

Image
Maraakiibtan Faransiiska iyo Spain ayaa 97% waxay Jariifaan Kalluunka Tuunnada.

MUQDISHO, Soomaaliya – Maraakiibta Spain iyo Faransiiska ee dhawaan lagu helay iyagoo si sharci darro ah uga kalluumeysanayay badweynta Hindiya ayaa lagu daray liiska madow kaddib markii Hay'ada Blue Marine ay Kashiftay Boobka ay wadeen Maraakiibta labadan waddan.

Guddiga Tuna ee Badweynta Hindiya (IOTC) ayaa sheegay in maraakiibtan lagu helay inay si sharci darro ah uga kalluumaysanayeen aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya, Mauritius, India iyo Mozambique; iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan dalalkan.

Warbixin ay soo saartay IOTC, oo la sii daayay intii lagu guda jiray Kalfadhiga 26aad ee Seychelles ayay tiri hay’addu: “Jarriifka noocaan oo kale ah wuxuu dhibaato aan la soo koobi karin u geystaan baddeena khatarna ku ah nolosha badda iyo dadka ku tiirsan adduunka oo dhan.

Maraakiibtan Faransiiska iyo Spain ayaa 97% waxay Jariifaan Kalluunka Tuunnada, waxayna sharci daro ku qaataan Kalluun ka badan inta ay ka Jilaabtaan waddan dal kasta oo ku yaalla Badwaynta Hindiya, oo ay ugu sii daran tahay Somalia.

IOTC, oo ah hay'ad dawladeed oo loo igmaday in ay ilaaliso kheyraadka kalluumeysiga ee Tuna Badweynta Hindiya ayaa sidoo kale kor u qaadayay isticmaalka farsamooyinka kalluumeysiga ee habboon.

Guddigu ma sheegin tirada maraakiibta la mamnuucay balse waxay soo jeediyeen in dhammaan dadka wata calamada labada dal aan dib dambe loo ogolaan doonin inay ka kalluumaystaan aagga laga mamnuucay.

Badweynta Hindiya waa goobta labaad ee kalluunka tuna ugu badan adduunka. Soomaaliya ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee laga soo wariyay kaluumaysiga sharci darada ah.

Sannadkii 2018 ayay aheyd markii ugu horreysay muddo 30 sano ah ay dowladda Soomaaliya magaalada Muqdisho ku saxiixday heshiis si daah furan loogu bixinayo shatiyo kalluumeysi ah oo la siiyay iskaashatooyin ka soo jeeda dalka Shiinaha inkasta oo uu la kulmay cambaarayn ka timid dowladaha xubnaha ka ah faderaalka iyo mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM