Maraykanka oo cambaareeyey weerarkii hoteelka Muqdisho

Image

February 20, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa cambaareysey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta Al-shabab la beegsatay hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty ayaa lagu cambaareeyey weerarka islamarkaana tacsi loogu direy ehelada dadkii weerarkaas ku waxyeeloobey.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Maraykanku si dhow ula sii shaqeyn doonto madaxda Dowladda Somalia, ciidamada Somalia iyo ciidamada AMISOM; si ay uga adkaadaan Al-shabab.

"weerarkani wuxuu tusaale u yahay sida ay Al-shabaab halis ugu tahay dhammaan Soomaalida. Dowladda Maraykanku waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeyso madaxda Soomaaliya, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM si looga adkaado Al-shabaab" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Sidan si lamid ah waxaa weerarkaas u cambaareeyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyootey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo maanta ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ah waxaa ku jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo qaar horay xilal kala duwan uga soo qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM