Maraykanka oo cambaareeyey weerarkii hoteelka Muqdisho

Image

February 20, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa cambaareysey weerarkii is-miidaaminta ahaa ee maanta Al-shabab la beegsatay hotelka Central ee magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wakiilka gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabilsan Somalia James P. McAnulty ayaa lagu cambaareeyey weerarka islamarkaana tacsi loogu direy ehelada dadkii weerarkaas ku waxyeeloobey.

Qoraalka waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Maraykanku si dhow ula sii shaqeyn doonto madaxda Dowladda Somalia, ciidamada Somalia iyo ciidamada AMISOM; si ay uga adkaadaan Al-shabab.

"weerarkani wuxuu tusaale u yahay sida ay Al-shabaab halis ugu tahay dhammaan Soomaalida. Dowladda Maraykanku waxay sii wadi doontaa inay si dhow ula shaqeyso madaxda Soomaaliya, ciidamada dowladda Soomaaliya iyo AMISOM si looga adkaado Al-shabaab" qoraalka ayaa sidaas lagu yiri.

Sidan si lamid ah waxaa weerarkaas u cambaareeyey Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu yaraan toban qof ayaa ku geeriyootey ku dhowaad labaatan kalena way ku dhaawacmeen labo qarax oo maanta ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhintey iyo kuwa dhaawaca ah waxaa ku jira mas'uuliyiin dowladda ka tirsan iyo qaar horay xilal kala duwan uga soo qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM