Maraykanka oo seddex qodob ka taageeraya Soomaaliya.

Image
Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka arrimaha siyaasadda Victoria Nuland ayaa timid Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasaaradda Arrimaha Debedda ee Maraykanka ayaa faahfaahin ka bixisay safarkii ay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan dhinaca siyaasadda Victoria Nuland ku timid magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kulan kula qaadatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda Maraykanka ayaa lagu sheegay in Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasaddu in ay la wadaagtay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida ay dawladda Maraykanku diyaarka ugu tahay in ay Soomaaliya ka caawiso saddex qodob oo kala ah; ammaanka, dib-u-heshiisiinta iyo qorshayaasha dib u habaynta.

 “Kaaliyaha Xoghayaha Guud waxay sidoo kale u muujisay [madaxweynaha Somalia] sii wadidda taageerada Maraykanka ee dedaalada ladagaalanka argagixiasada ee ay hormuudka u yihiin Soomaaliya iyo Midawga Afrika,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Debedda.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Debedda ee dhinaca siyaasadda ayaa intii ay joogtay Muqdisho waxay kulan la qaadatay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah Ergeyga Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan dhinaca gurmadka abaaraha iyo weliba hay’adaha Qaramada Midoobay ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan hay’adda cuntada adduunka ee WFP, Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee FAO iyo hay’adda UNICEF.

Qoraal shalay ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Victoria Nuland ay ka wadahadleen ‘danaha labada dal’.

“Mareykanku wuxuu ahaanayaa saaxiib la isku halayn karo, xilli Soomaaliya ay xoojinayso hay’adaha dowliga ah, si ay u gaarto xasillooni siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada.

Kulankan ayaa imaanayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu 16-kii bishii hore ee May saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib ugu celinaya Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horey u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab ay wiiqday go’aankii madaxweynihii hore Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhinaca kale soo dhaweeyay dib u soo noqoshada ciidamada Mareykanka, iyadoo howlkii ugu horreeyay ee soo noqoshadooda ay Mareykanku kuu dileen ugu yaraan shan ka mid ah maleeshiyada Al-Shahaab weerar cirka ah oo ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab meel u dhow Beer Xaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM