Maraykanka oo sheegtay mas'uuliyadda duqeyntii Gedo ka dhacday

Image

March 14, 2015 (GO)- Dowladda Maraykanka ayaa xaqiijisey in mid kamid ah diyaaradaheeda bilaa duuliyaha ahi fulisey duqeyn labo maalmood kahor ka dhacday gobolka Gedo taasoo la sheegay in lagu diley sarkaal ka tirsanaa hoggaanka sare ee ururka Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Aadan Garaar.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka oo lagu magacaabo Steve Warren ayaa sheegay in weerarkaas Maraykanku fuliyey bartilmaameedkuna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Steve Warren ma xaqiijin in duqeynta lagu diley Aadan Garaar iyo in kale, balse wuxuu sheegay in weli ay baaritaan arrintaas la xiriira wadaan wixii kasoo kordhana dib kasoo gudbin doonaan.

Dhanka kale, mas'uuliyiin ka tirsan sirdoonka Kenya oo aan magacyadooda la shaacin ayaa u sheegay Wargeyska Daily News ee Nairobi kasoo baxa in sirdoonka Kenya iyo Maraykanku is dhaafsadeen macluumaad muhiim ah oo ku saabsan ninka duqeynta lagu bartilmaameedsaday.

Gaari yar oo sarkaalkaas iyo nin kale la socdeen ayaa diyaarad nooca bilaa duuliyaha ahi dhowr gantaal la heshay maalinnimadii Khamiista March 12, 2015, xilli uu marayey deegaanka Aqabuul oo qiyaastii 40km degmada Baardheere dhanka bariga kaga beegan. 

Sarkaalka duqeynta lugu diley ayaa ka tirsanaa qaybta amniyaadka ee Al-shabaab, waxaana la sheegay inuu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon. Maraykanka ayaa bilihii u dambeeyey kordhiyey duqeymaha uu ka geysanayo dalka Soomaaliya ee ka dhan ah ururka Al-shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM