Diyaaradaha Maraykanka oo duqeyn ka geystey Jubada Dhexe

Image

December 30, 2014 (GO)- Diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa shalay oo Isniin ahayd duqeyn ka geystey meel u dhow degmada Saakow ee gobolka Jubada Dhexe.

Af-hayeen u hadlay wasaarada gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa xaqiijiyey weerarka isagoo sheegay in bartilmaameedku ahaa hoggaamiye sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Af-hayeenku wuxuu intaas ku daray inay qiimeyn ku wadaan natiijada weerarka wixii kasoo kordhana dib warbaahinta uga soo gudbin doonaan.

Duqeyntan ayaa ah tii ugu horeysey ee Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya laga soo bilaabo bishii September ee lasoo dhaafay.

Saddex bilood kahor duqeyn caynkan oo kale ahayd taasoo ka dhacday duleedka degmada Baraawe waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya labo maalmood kadib markii uu Dowlada Federaalka isu soo dhiibey Sakariye Ismaaciil Xirsi oo horay uga mid ahaa saraakiisha sare ee Al-shabaab kaasoo Maraykanku malaayiin doolar u ballan qaaday cidii soo gudbisa xog sahleysa in gacanta lagu soo dhigo.

Al-shabaab oo laga saaray inta badan deegaanadii ay koonfurta Soomaaliya kaga sugnaayeen, waxay awoodooda isugu geeyeen gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM