Mareykanka: Askari ku dhaawacmay Soomaaliya oo la abaalmariyey

Image
Saddex askari kale oo ka tirsanaa kumaandooska Soomaaliya ayaa ku naf-waayay qaraxaas gaari.

WASHINGTON, United States - Askari Ameerikaanka ah oo ku dhaawacmay qarax miino oo ka dhacay Soomaaliya sanadkii 2020-kii ayaa la abaalmariyey Jimcadii shalay ahayd, sida ay qortey saxaafada Mareykanka.

Weerarka lagu dhaawacay Daniel Brillhart ayaa ka dhacay tuuladda Jana Cabdalle oo 32 KM u jirta magaaladda Kismaayo ee caasimadda ku meelgaarka ah ee maamul goboleedka Jubaland.

Saddex askari Soomaali ah gaar ahaa kumaandooska sidda gaarka ah u tababaran ayaa ku geeriyootay weerarkan oo ahaa qarax gaari oo lagula beegsadey banaanka xero ciidan oo fariisin u ahayd.

Maleyshiyaadka Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa dusha saartey mas'uuliyada falkan iyaga oo tibaaxay in ay si weyn isugu dabarideen weerarkan.

Abaalmarinta la guddoon-siiyey Brillhart ayaa lagu magacaabaa Purple Heart Medal. Xubno kamid ah qoyskiisa gaar ahaan xaaskiisa iyo caruurtiisa ayaa goobjoog ka ahaa meesha ay ka dhacdey xafladda.

Brillhart oo ka hadlay munaasabadda ayaa shaaca ka dhigay in uusan u haysan in uu sii noolaanayo kadib dhaawaca soo gaarey oo uu ku tilmaamay in uu ahaa mid aad u culus wallow uu soo kabtey.

"Waxa aanan ogeyn wakhtigaas waxay ahayd badbaadadayda maalintaas, ma ahayn arrintaas kaliya, waxay ahayd inaan noolaan doono wixii ka dambeeya maalintaas," ayuu hoosta ka xariiqay.

Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibadda caalamiga ah ee Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo tababarida ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Danab oo howlgalada culus fuliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM