Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay saddex horjooge Al-Shabaab ah

Image
Shaqsiyaadkan waxaa ku jira Axmed Diiriye oo ku magacaaban Amiirka ugu sareeya maleyshiyadda.

NAIROBI, Kenya - Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10-milyan doollar wuxuu u balanqaadey ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in horjoogeyaashan ay mas’uul ka yihiin weeraro badan oo argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Horjoogeyaasha ayaa lagu kala magacaabaa Mahad Karate, Jehad Mostafa, iyo Ahmed Diriye oo ku magacaaban in uu yahay amiirka ugu sareeya xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

“Saaxiibadayada Kenya iyo gobolka, Mareykanka waxa uu abaal-marin lacageed siinayaa ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado oo la carqaladeeyo ilaha dakhliga iyo dhaqaalaha Al-Shabaab," ayuu xusay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Tani waa xog aad u weyn oo ku saabsan ka faa'iidaysiga Al-Shabaab ee kheyraadka dabiiciga ah ee maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha maaliyadeed si lamid ah fududeeyayaasha".

"Waxaan ognahay in Al-shabaab ay lacago ku helaan falal badan oo sharci-darro ah oo ka dhaca caalamka si ay ugu maal-geliyaan howlgalladooda iyo inay sannad walba dilaan boqolaalka shacabka ah," ayay ku dartey.

Safaaradda ayaa soo bandhigtey lambaro loogu diro macluumaadka kuwaasoo ku sameysan Signal, Telegram ama WhatsApp; 254-71-87-12-366 (Kenya) ama +252-68-43-43-308 (Somalia).

"Dadka xogta nala soo wadaago kaliya ma heli doonan abaalmarin lacageed balse waxaa sidoo kale laga rarri doonaa meesha ay ku nool yihiin," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ee kasoo baxay safaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM