Mareykanka oo $10 milyan dul-dhigay saddex horjooge Al-Shabaab ah

Image
Shaqsiyaadkan waxaa ku jira Axmed Diiriye oo ku magacaaban Amiirka ugu sareeya maleyshiyadda.

NAIROBI, Kenya - Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10-milyan doollar wuxuu u balanqaadey ciddii keenta xog horseedi karta in la soo xiro saddex hoggaamiye oo ka tirsan maleyshiyaadka Al-Shabaab.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegay in horjoogeyaashan ay mas’uul ka yihiin weeraro badan oo argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya, Kenya iyo dalalka deriska ah oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Horjoogeyaasha ayaa lagu kala magacaabaa Mahad Karate, Jehad Mostafa, iyo Ahmed Diriye oo ku magacaaban in uu yahay amiirka ugu sareeya xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

“Saaxiibadayada Kenya iyo gobolka, Mareykanka waxa uu abaal-marin lacageed siinayaa ciddii keenta xog horseedi karta in la aqoonsado oo la carqaladeeyo ilaha dakhliga iyo dhaqaalaha Al-Shabaab," ayuu xusay.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Tani waa xog aad u weyn oo ku saabsan ka faa'iidaysiga Al-Shabaab ee kheyraadka dabiiciga ah ee maxalliga ah iyo deeq-bixiyeyaasha maaliyadeed si lamid ah fududeeyayaasha".

"Waxaan ognahay in Al-shabaab ay lacago ku helaan falal badan oo sharci-darro ah oo ka dhaca caalamka si ay ugu maal-geliyaan howlgalladooda iyo inay sannad walba dilaan boqolaalka shacabka ah," ayay ku dartey.

Safaaradda ayaa soo bandhigtey lambaro loogu diro macluumaadka kuwaasoo ku sameysan Signal, Telegram ama WhatsApp; 254-71-87-12-366 (Kenya) ama +252-68-43-43-308 (Somalia).

"Dadka xogta nala soo wadaago kaliya ma heli doonan abaalmarin lacageed balse waxaa sidoo kale laga rarri doonaa meesha ay ku nool yihiin," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka ee kasoo baxay safaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM