Mareykanka oo baaq cusub u diray madaxda Soomaalida

Image
Washington ayaa walwal ka muujisay suurtagalnimada dib-u-dhac kale oo ku yimaada doorashooyinka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay dib u dhac kale oo ku yimaada doorashadda Soomaaliya, taasoo uu ka digay inay dhaawacayso dib usoo kabashada dalka.

Safaaradda Mareykanka oo qoraal kooban ku daabacdey Twitter-ka ayaa ugu baaqdey Madaxda Maamullada inay 15-ka bishan kusoo dhameystiraan doorashadda kuraasta Gollaha Shacabka.

Hadalkan ayaa yimid markii Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, uu Khamiista maanta ah  kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre.

Xafiiska Rooble ayaa xusay in dhinacyada ay "wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka".

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeedka, Rooble iyo  Andre ayaa isla soo qaadey habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

"Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka," ayaa la raaciyey.

Wasiirka koowaad ee dalka Rooble ayaa, sida ku cad bayaanka, inta uu socday wadaxaajoodkan wuxuu hoosta ka xariiqay "in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada".

"Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay," ayaa lagu soo xiray.

Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa horey ugu heshiiyey in muddo 15-casho ah lagu soo gabagabeeyo xulista Golaha Shacabka taasoo kasoo bilaabaneysa 15-ka Febraayo ee sanadkan 2022-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM