Mareykanka oo balanqaad u sameeyay dowladda cusub

Image
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa "hogaamiye qaran" ku sifeeyay Xasan Sheekh Maxamuud.

MUQDISHO, Soomaaliya – Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André, ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sifeeyay inuu yahay hoggaamiye qaran "kaasoo sida uu yiri aragti leh, isla-markaana garanaya sida koox loo hoggaamiyo" ayna ka go’an tahay in mustaqbal wanaagsan uu u horseedo Somaliya.

Safiirka oo la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa yiri: "Waxaa sharaf ii ahayd inaan la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud markii uu musharaxa ahaa, waxaana gorfeyn ku yeelanay Safaaradda, waxa uuna iiga waramay aragtiisa dalka iyo waxa uu doonayo inuu hanto, isaga oo metelaya shacabka Soomaaliyeed".

Isaga oo sii hadlaya Larry André ayaa hoosta ka xariiqay: "Muhiimad ayuu siinaayay inuu wadar ogol wax ku maamulo iyo in xiriir xoogan oo guuleysto oo dhinacyada ka wada faa’iideysan uu dhex maro Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, si ay wadajir horumar ugu sameeyaan, haddii ay tahay dhinacyada amniga, wax ka qabashada qalalaasaha daran ee bani’aadanimada ee abaartu sababtay, sii wadista howshii Madaxweyne Farmaajo ka qabtay dayn-cafinta, xiriirka hay’adaha dhaqaalaha ee caalamiga ah iyo sii wadista hannankaasi, si ay mashiin ugu noqoto kobaca dhaqaale".

Safiirka ayaa yiri: "Waxay sidoo kale ay ka dhigan tahay sii wadista dhammaan wixii horumar ah ee laga gaaray dhinaca maamulka, dhameystirka dastuurka, in si hufan loo qeexo Federaalka Somaliya, marka ay noqoto doorka iyo masuuliyadaha gobolada iyo Dowladda Federaalka. Waxa uu si bayaansan uga hadlay sida uu u doonayo inuu wax ku maamulo, qaab la isla wada ogolyahay iyo inuu hagaajiyo nolosha dadka Soomaaliyeed. Taasi waxa ay ahayd markii uu musharaxa ahaa".

"Illaa iyo intii ay doorashada dhacdayna waxaan arkay laba jeer, waxaana uu hadda faah faahin dheeraad ah uu ka bixinaya qorsheyaashiisa, dabcan waxaa uu ku jiraa marxaladdii dowlad dhisidda, isagoo ka fekeraya dadkii ku soo biiri lahaa, si ay nolol fiican ugu abuuraan dhammaan Soomaalida. Waxaan dhahnaa xulashada shaqaaluhu waa siyaasad, waxaad sameynaysaa go’aan siyaasadeed, hadda taas ayuu diiradda saarayaa," ayuu raaciyey.

Waxa uu intaasi ku daray: "Waan la dhacay inuu yahay hoggaamiye qaran oo leh khibrad, aragti, yaqaana sida koox loo hoggaamiyo, kuna dhiiran inuu mustaqbal wanaagsan gaarsiiyo dhammaan dadka Soomaaliyeed".

Mar Safiirka wax laga weydiiyay kalsoonida uu qabo inta ay le’egtahay ee ku aaddan in Madaxweynuhu uu dalka isu keeni karo, gaar ahaan xiriirka Dowladda Federaalka & Dowlad Goboleedyada iyo in dib u heshiisiin uu dalka ka hirgelinayo ayaa waxa uu muujiyay in ka hadalka taasi ay haatan xilli hore tahay.

Danjire André ayaa xusay in Washington ay la shaqayn doonto Xukuumadda cusub iyo Baarlamaanka, ayna xiriir dhow la yeelanayaan Baarlamaanka, haddii in badan oo Xildhibaanada ka mid ah ay yihiin kuwo cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM