Mareykanka oo bilaabay fulinta xayiraada siyaasiyin Soomaali ah

Image
Garowe Online ayaa fahansan in liiskan ay ku jiraan shan shaqsiyaadka lagu tiriyo "xulka maamulka Farmaajo".

WASHINGTON, USA – Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay fulineyso xayiraad safar oo dhinaca Dal ku galka dalkaas ah oo Washington ay kusoo rogtay Madax iyo siyaasiyiin Soomaali ah oo loo heysto dib udhaca Doorashada.

Warqad daba socotay go’aanka Mareykanka ee Xayiraadda Safarka ee soo baxday 8dii Febaraayo 2022 laguna soo beegay 25ka Febaraayo 2022 oo ah maalintii ugu dambeysay jaangoynta Doorashada ayaa lagu muujiyay sida Washington ay uga xun tahay daaha Doorashada gaar ahaan jadwalkii ugu dambeeyay ee ahaa 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

Mareykanka ayaa sheegay in si dhaw uu ula socdo shirarka siyaasadeed gaar ahaan kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka ee habeen kahor uu 18ka cisho ugu waqti dheereeyay dhammeystirka Doorashooyinka Dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa bogaadisay Xildhibaannada la doortay Golaha Shacabka balse waxa ay saluugtay daaha ku yimid kuraasta qaar oo ilaa haatan aan la doorin sababna ay u yihiin siyaasiyiin iyo madax Soomaali ah.

Xayiraaddaan waxaa loo cuksaday 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo dhadhansiiyo ciqaab danka safarka ah shakhsiyaadka mas’uulka ka ah dib u dhaca Doorashooyinka Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Mareykanka uu soo rogay xayiraadda fiisaha kadib markii Soomaaliya ay dib ugu dhigtay doorashadii baarlamaanka 15-ka March, taas oo ay ahey in la soo gabagabeeyo Jimcihii shalay.

"Hadda waxaan kusoo rogaynaa xannibaado fiisaha iyadoo la raacayo siyaasaddan ka dhanka ah tiro ka mid ah mas'uuliyiinta Soomaalida iyo shakhsiyaadka kale si kor loogu qaado isla xisaabtanka falalkooda is-hortaagga ah," ayuu Blinken ku yiri bayaan ay soo saartay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Doorashada baarlamaanka oo soo bilaabatay bishii November ayaa ah mid dadban oo ay ku lug leeyihiin odayaasha beelaha soo xulaya 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka, iyagoo dooran doona madaxweyne cusub waqti aan weli la cayimin.

Soomaaliya ayaa marka laga soot ago khilaafka siyaasadeed waxa ay sidoo kale wajahaysaa xaalado amni taas oo qayb ka ah dib u dhaca doorashada oo qorshu ahaa in la soo gabagabeeyo February 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM

Ciidamada Puntland oo dilay 57 Xubnood oo Daacish ah

Ciidamada Puntland ayaa sidoo kale ku guuleystay inay jebiyaan weerar culus oo ay kooxda Daacish ku soo qaadey, iyagoo qabtay dhul muhiim ah.

  • Soomaliya

    05-02-2025

  • 02:49PM