Mareykanka oo dalab xasaasi ah hor-dhigay Rooble

Image
Qaar kamid ah madaxda maamuladda ayaa aad uga soo horjeeda qorshaha Washington ay waddo.

MUQDISHO, Soomaaliya – Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in Mareykanka uu ku tartarsiinayo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble in uu shir deg-deg ah u qaban-qaabiyo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Xukuumadda Washington ayaa lagu waramayaa in aysan ku qanacsaneyn qaabka dabacsan ee wasiirka koowaad u maareynayo hanaanka doorashooyinka iyo eedeymaha la xiriira is-dabamarinta iyo boobka ee hareeyay xulista Aqalka Hoose.

Warbixinadda ayaa intaas ku daraya in qaar kamid ah hogaanka dowlad goboleedyadda ay kasoo horjeedaan kulanka soo aadan ee madaxda maamulada lana filayo in uu ka dhaco Muqdisho.

"Hogaamiyeyaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa qorsheynaya in ay u socdaalaan dibada," ayuu yiri qof si dhow ula socdey xaaladan kaasoo u waramay mareegga GO.

Madaxda maamuladda ayaa cadaadiska ugu xooggan wuxuu kaga imaanayaa midowga musharaxiinta madaxtinimada kuwaasoo aad uga hor-yimid isla markaana qaadacay qaabka loo maareynayo doorashadda Golaha Shacabka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka doodaya in la dhiso "Golaha Kumeel Gaarka ee Qaranka," sidda ay xaqiijiyeen illo wareedyo aad ugu dhow kulamadda ay yeesheen maalmihii lasoo dhaafay.

Sida ay muujinayaan warbixinadda, golaha ayaa talaabaddan waxay u cuskanayaan "si looga badbaado waxa ay ugu yeereen Magacaabida Siyaasadeed oo burbur ku keenta dowladnimada".

Tafaasiisha ayaa intaas waxay ku daraysaa in wadahadalo la leeyihiin madaxda maamuladda si ay ugu qancinayaan in la sameeyo golahaas oo dalka ka arrimiya dalka muddo laba sano ah laguna qabto doorasho xalaal ah.

Talaabooyinkan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli musharaxiinta madaxtinimadda ay qaaaceen doorashooyinka ka bilowday waddanka ayna ku sifeeyeen mid aan daahfurneyn kuna saleysan boob iyo ku takrifalka mas'uuliyadda madaxda waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo dagaalka Bariga Dhexe kala hadlay qaar kamid ah Madaxda Khaliijka 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Soomaaliya ay u hayso Urdun iyo Qatar.

  • Soomaliya

    03-03-2026

  • 11:27AM

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM