Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu ka fuliyey nawaaxiga Muqdisho

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa lala beegsadey maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in weerar cusub oo ‘is-difaac ah’ oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen Soomaaliya Jimcihii, laguna dilay lix dagaalameyaal.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed, howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacday meel qiyaastii 248 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho kuna dhow Cadale.

"Qiimaynta billowga ah ee taliska ayaa ah in duqeynta lagu dilay lix ka mid ah argagixisada Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay," ayay tiri AFRICOM.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada howlgalladan, ayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.

"Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan qaybaha ay khusayso iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo ammaanka hawlgallada," ayaa la raaciyey bayaanka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin duqeyntan. Balse, maalin kahor, waxay soo warisay in ay howlgalo ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu khaarijiyey maleyshiyo badan.

“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna halista badan, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka," ayuu xusay taliska AFRICOM.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado olole ay ku dooneyso in ay kusoo afmeerto jirtaanka xoogaga hubeysan iyo howlgallada kooxda argagixisada ka fuliso magaalooyin ay Muqdisho ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM