Mareykanka oo fahfaahiyey duqeyn uu ka fuliyey nawaaxiga Muqdisho

Image
Howlgalkan dhanka cirka ah ayaa lala beegsadey maleyshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in weerar cusub oo ‘is-difaac ah’ oo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka fuliyeen Soomaaliya Jimcihii, laguna dilay lix dagaalameyaal.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed, howlgalkan dhanka cirka ah ayaa ka dhacday meel qiyaastii 248 KM dhanka waqooyi bari kaga beegan magaalada Muqdisho kuna dhow Cadale.

"Qiimaynta billowga ah ee taliska ayaa ah in duqeynta lagu dilay lix ka mid ah argagixisada Al-Shabaab iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay," ayay tiri AFRICOM.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan qiimeynta natiijada howlgalladan, ayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.

"Faahfaahin gaar ah oo ku saabsan qaybaha ay khusayso iyo hantida la isticmaalay lama sii deyn doono si loo xaqiijiyo ammaanka hawlgallada," ayaa la raaciyey bayaanka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali ka hadlin duqeyntan. Balse, maalin kahor, waxay soo warisay in ay howlgalo ka dhacay Shabeellaha Dhexe lagu khaarijiyey maleyshiyo badan.

“Al-Shabaab waa Shabakadda Al-Qaacida ugu weyn uguna halista badan, waxayna caddeysay rabitaankeeda iyo awoodda ay u leedahay inay weerarto rayidka Soomaalida, Bariga Afrika iyo Mareykanka," ayuu xusay taliska AFRICOM.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wado olole ay ku dooneyso in ay kusoo afmeerto jirtaanka xoogaga hubeysan iyo howlgallada kooxda argagixisada ka fuliso magaalooyin ay Muqdisho ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqayn diyaaradeed oo lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

War-saxaafadeedku waxa uu sheegay in Mansoor Tima-Weeyne, hogaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    12-03-2025

  • 07:42AM

Xamse: Waxaan fulinaynaa hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab inta lagu jiro Ramadan

Wuxuu sidoo kale xusay in shacabka Soomaaliyeed ay ka warhayaan wararka been abuurka ah iyo male-awaalka ay faafinayaan argagixisadu.

  • Soomaliya

    11-03-2025

  • 02:16PM