Mareykanka oo fahfaahiyey safarkii taliyaha AFRICOM ee Soomaaliya

Image
Jeneraal Michael Langley ayaa wadahadalo kaga qeybgalay magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay booqashadda taliyaha AFRICOM uu todobaadkan ku yimid magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Qoraal lagu daabacay ciwaanada baraha bulshadda safaaradda ayaa lagu bixiyey fahfaahin ku saabsan wadahadalada uu Jeneraal Michael Langley la yeeshay madaxda kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, saraakiisha Danab iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika ayuu kula kulmay Muqdisho iyo Kismaayo.

"Gen. Michael Langley, oo ah Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), ayaa booqday Muqdisho iyo Kismaayo. Gen. Langley waxuu la kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe, Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur, saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Gaashaandhigga, saraakiisha Danab iyo kuwa ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo uu kala hadlay howlgallada aan wadaagno, sida dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo tababaradda ciidama Soomaaliyeed," ayaa lagu yiri qoraalka.

Inta la og-yahay, waa markii labaad oo Janankan uu yimaado Soomaaliya tan iyo markii la magacaabay. Washington waxay kamid tahay dalalka sida weyn uga qeyb-qaatay la dirirka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM