Mareykanka oo fariin u diray xulafadiisa kadib weerarkii Buulo Mareer

Image
Al-Shabaab ayaa duulaan ku bilowday is-qarxin ku beegsatay saldhiga ay joogeen ciidanka Uganda.

WASHINGTON, United States - Dowladda Mareykanka ayaa si kulul waxay u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen xerada ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah ATMIS ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa tibaaxay in ay aad uga xun yihiin beegsiga saldhiga degmada Buulo-Mareer, waxaana uu tacsi u diray ehelada askarta dhimatay.

"Dowladda Mareykanka ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Buulo Mareer oo ay ku sugnaayeen ciidamada nabad ilaalinta Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS," ayuu yiri Matthew Miller.

Miller ayaa intaas ku daray: "Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha waxaanan u rajeyneynaa caafimaad buuxa kuwa ku dhaawacmay. Mareykanka wuxuu bogaadinayaa geesinimada iyo naf-hurnimada ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalkan muhiimka ah".

"Waxaan ku garab taaganahay saaxiibadeena Soomaaliya iyo Midowga Afrika dagaalka lagula jiro jabinta argagixisada iyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida dadka Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Howlgalka ATMIS oo qoraal rasmi ah faafiyey ayaa sheegay in ay iska-caabiyeen weerarkii Al-Shabaab ee Buulo-Mareer. Balse masoo bandhigin khasaaraha soo gaarey ciidamadooda.

Xoogaga gacan-saarka la leh Al-Qaacida ayaa wariyay in ay "cagta mariyeen" xeradan isla markaana ay nolosha ku qabteen askar u dhalatay Uganda.

Weerarkan ayaa waxa uu imaanaya xilli uu bilaha soo socda ay bilaabaneyso dhimista ciidamada Midowga Afrika taasoo qeyb ka ah bixitaanka guud ee bisha December, 2024 taasoo Muqdisho ay kula wareegeyso ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Cusub: Puntland oo Eedaysay Madaxweyne Xasan Sheekh

Wasaaraddu waxay sheegtay in guddigu uu jadwalkiisa ku daray degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

  • Soomaliya

    24-02-2026

  • 11:17AM

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM