Mareykanka oo ka falceliyey mamnuucida wararka Al-Shabaab

Image
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baaq u dirtey dowladda iyo saxaafadda madaxa-banaan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqdey dowladda federaalka iyo warbaahinta in ay kawada shaqeeyaan in qaab xor ah loo tabiyo wararka.

"Warbaahinta waxay xaq u leedahay in ay baahiso aragtiyada kala duwan waxaana mas’uuliyad ka saaran tahay warinta macluumaad sax ah," ayay ku qortey boggeeda Twitter-ka.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli xukuumadda ay mamnuucdey tabinta "fikirka xagjirka ah". Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in ay "dambi tahay faafinta fekeraas".

"Al-Shabaab ma ahan xisbi siyaasadeed, malaha aragti siyaasadeed. Aragtidooda waxay ka bilaabataa dil kuna dhamaataa dil," ayuu ka yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho asbuucaan.

Dhawaqa saxaafadda ayaa daba socda hadal kasoo yeeray ururadda warbaahinta oo ku saabsan in ay ka walaacsan yihiin in go'aanka dowladda uu hoos u dhigi karo xorriyadda hadalka.

Geesta kale, xukuumadda ayaa shaacisay in ay xirtay 46 barro dhanka internet-ka oo ay AlShabaab u adeegsaneysay faafinta fekerkooda, sidda uu sheegay wasiir ku xigeen Al-Cadaala.

"Waxaa kale ku dabajirnaa in aan xirno baro kale oo ay website-yo ku jiraan,” ayuu xusay. Al-Cadaala ayaa iclaamiyey "fariin AlShabaab hadaad faafiso bartilmaameed ayaa tahay".

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa horey u shaaciyey in dowladiisa ay ula dagaalameyso Al-Shabaab dhaqaale ahaan, milatari ahaan iyof eker ahaan. Waa istaraatiijiyad cusub oo saddex geesood ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM