Mareykanka oo ka warbixiyey duqeyn uu la eegtay Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi Bari kaga aadan caasimada Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM] ayaa sheegay in duqeyn ay Isniintii shalay ka fuliyeen Soomaaliya ay ku dileen laba kamid ahaa maleyshiyaadka Al-Shabaab.

Sida laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM, howlgalkan ayaa tuulo ku dhow magaalada Xarardheere oo qiyaastii 396 KM dhanka Waqooyi Bari kaga aadan caasimada Muqdisho.

AFRICOM oo sheegtay in weerarkan dhanka cirka ah ka fuliyey kadib codsi ka yimid dowladda federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in illaa haatan aysan jirin waxyeelo shacab oo ka dhashay.

"Mareykanka ayaa kamid ah dhowr waddan oo dowladda Federaalka ku taageera ololaha lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah," ayaa lagu yiri nuqul kamid ah bayaankan uu arkay Garowe Online.

Sabtidii todobaadkan ayay ahayd markii taliska AFRICOM uu shaaciyey in duqeyn ay ka geysteen duleedka magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud ay ku dileen in ka badan 30 kamid ahaa Al-Shabaab.

Howlgalkaas ayaa qeyb ka ahaa ka jawaabida guluf ku bilowday qaraxyo gaari iyo weerar toos ah oo xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ay ku ekeeyeen fariisinka ciidanka ee degmadaas.

Galcad iyo Xarardheere oo hoostaga dowlad goboleedka Galmudug ayaa kamid ah goobihii ugu dambeeyay ee ciidamadda huwanta ah ay ka saareen Al-Shabaab loona diyaarinayo maamulka iyo adeeg dowli ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM